Manchester United oo dalabkii ugu horreeyay ka gudbisay Raphael Varane & Real Madrid oo…

(Manchester) 17 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dhiggeeda Real Madrid u gudbisay dalabkii ugu horreeyay ee bilawga gorgortanka ay ku doonayaan iibsashada Raphael Varane.

Man United ayaa ku raad joogtay saxiixa xiddigan bilihii ugu dambeeyay, waxayna haatan si toos ah ugu gudo gashay gorgortan helitaanka difaaca reer France.

Hase ahaatee, wararka Spain ka imaanaya sheegaya in Los Blancos ay iska diidday dalabkii ugu horreeyay ee kaga yimid dhiggeeda reer England kaasoo qiimo ahaan ku kacay 40 miyan oo gini.

Lama oga qiimaha ugu dambeeya ee ay Red Devils ku baadi goobi doonto 28-jirka difaaca dhexe ka ciyaara maadaama Madrid ay u sheegtay Man United in qiimahaas uusan ku filneyn inay ku fasaxdo Varane.

Ku guuleystaha Koobkii Adduunka ee 2018 ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxda Chelsea iyadoo ay xusid mudan tahay inuu ka caga jiidayo kusii nagaashaha kooxda ugu guulaha bada Yurub xilli qandaraaskiisa uu dhici doono xagaaga dambe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close