Kooxda Real Madrid oo 50 milyan oo euro kula soo saxiixan karta xiddigeedii hore oo haatan ka ciyaara Talyaaniga

(Madrid) 17 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay 50 milyan oo euro kula soo saxiixan karto xiddigeedii hore, kaasoo haatan wacdaro ka dhigaya Talyaaniga.

Warsidaha reer Talyaani ee Calciomercato ayaa warinaya in Real Madrid ay xiiseynayso inay dib ula saxiixato xiddigeedii hore ee Achraf Hakimi, kaasoo hadda ka tirsan Inter Milan, waxaana ay haatan doonayaan inay dib uga soo qaataan naadiga reer Talyaani.

Los Blancos oo iska iibisay xiddigan, kaasoo u dhaqaaqay garoonka San Siro sannadkii 2020 ayaa lagu wargeliyay inay ku bixin doonto Adduun dhan 50 milyan oo euro oo u dhiganta 43 milyan oo gini oo u dhiganta 61 milyan oo dollar si ay dib ugula soo wareegaan daafaca aadka loo qiimeeyo.

Real Madrid: Achraf Hakimi: Isn't Odriozola available? Then he'll have to  perform against Chelsea... | Marca

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close