Kooxaha Man Utd & Everton oo ku tartamaya inay Premier League dib ugu soo celiyaan xiddig hore uga ciyaari jiray horyaalkaas oo haatan ka xamaasha Spain

(Manchester) 17 Maajo 2021. Kooxaha Manchester United iyo Everton ayaa la soo warinayaa inay ku tartamayaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen Premier League laacib hore uga ciyaari jiray horyaalkaas oo haatan ka ciyaara dalka Spain.

Kooxaha ku xafiiltama horyaalka Premier League ee Manchester United iyo Everton ayaa labaduba doonaya inay dalka Ingiriiska dib ugu soo celiyaan daafaca dadabka midig ee Atletico, Kieran Trippier.

Warsidaha The Athletic ayaa warinaya in Kooxaha Manchester United iyo Everton ay doonayaan inay la soo wareegaan daafaca midig ee Atletico Madrid, Kieran Trippier.

Daaficii hore ee Kooxda Tottenham ayaa dib loogu soo celin karaa Premier League xagaagan, iyadoo labo ka mid ah kooxaha ka soo jeeda Waqooyiga Galbeed England ay diyaar u yihiin inay kula dagaallamaan saxiixiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close