Waa kee Weeraryahanka ay doonayso Kooxda PSG inay la soo wareegto haddii uu ka tago Kylian Mbappé?

(Paris) 16 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta PSG ayaa la soo warinayaa inay ku riyoonayso inay soo qaadato weeraryahan halis badan oo ka ciyaara qaaradda Yurub haddii uu ka tago Kylian Mbappé.

Mustaqbalka Kylian Mbappé ee kooxda PSG ayaan fadhin, iyadoo kooxda Ligue 1 ay doonayso inay soo qaadato Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski haddii uu ka tago Mbappé.

Wargeyska L’Equipe ayaa shaaca ka qaaday in PSG ay diiradda saaratay weeraryahanka Kooxda Bayern Munich ee Lewandowski haddiiba Mbappé uu go’aansado inuu baxo.

Mbappé ayaa si xoog leh loola xiriirinayaa Real Madrid si la mid ah kooxaha Liverpool iyo Manchester United.

L’Equipe ayaa warbixinteeda intaa ku daraysa in PSG ay doonayso inay noqoto mid firfircoon, isla markaana ay la soo wareegto saxiix weyn haddii Mbappé uu ka baxo, isla markaana gooldhaliyaha ugu sarreeya Bundesliga uu ugu sarreeyo liistadooda ay suuqa ka doonayaan, xitaa haddii Bayern ay ka go’an tahay inay ceshato.

Lewandowski ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda Bayern Munich waxa uu ku eg yahay ilaa sanadka 2023, inkastoo ay jiraan hadallo xanta ah oo ku saabsan inuu doonayo u dhaqaaqista meel kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close