Horudhac: Athletic Club vs Real Madrid, Atletico Madrid vs Osasuna, Barcelona vs Celta Vigo…(Kooxaha ku loollamaya La Liga oo isku waqti ciyaaraya)

(Spain) 16 Maaajo 2021. Kooxaha Atletico Madrid, Real Madrid iyo Barcelona ayaa wali ku hardamaya horyaalka La Liga iyadoo maanta la ciyaarayo kulammada 37-aad ee horyaalka.

Dhammaan tobanka ciyaarood ee horyaalka dalka Spain toddobaadkan ayaa ku jadwaleysan inay bilawdaan saacad isku mid ah si looga fogaado inay abuurmaan natiijooyin la ilaashado.

Marka laga soo tago dhanka hoggaanka, waxaa sidoo kale loollan xiiso leh uu ka dhex jiraa kooxaha ka kala ordaya u laabashada horyaalka heerka labaad maadaama aysan jirin koox is rasmi ah u xaqiijisay.

Atletico ayaa hoggaanka horyaalka ku heysa 80 dhibcood, waxaana kusoo xiga Real Madrid iyo Barcelona oo leh min 78 dhibcood, hase ahaatee, Madrid ayaa booska labaad ugu jirta natiijooyinkii El Classico maadaama labada ciyaarba ay guuleysatay.

Sidaas darteed, rajada saddexda naadi ayaa nool iyadoo la ciyaarayo caawa kulankii ugu dambeeyay midka ka horreeya, waxaana ciyaarahaas ay bilaaban doonaa caawa 7:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Shaxda macquulka ah ee kulanka Athletic Bilbao vs Real Madrid

Shaxda macquulka ah ee kulanka Atletico Madrid vs Osasuna

Shaxda macquulka ah ee kulanka Barcelona vs Celta Vigo

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close