Marcus Rashford oo doortay Shaxdiisa Riyada Lix geesoodka ah ee ugu fiican Manchester United… (Miyuu isagu ku jiraa? Yuuse doortay Van der Sar iyo De Gea?)

(Manchester) 15 May 2021. Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Manchester United ee Marcus Rashford ayaa doortay shax ka kooban lix ciyaaryahan oo uu u arko inay yihiin kuwii abid ugu fiicnaa Manchester United.

23-sano jirkaan xulka qaranka England xiddigaha haatan ka ciyaara Kooxda Manchester United waxa uu ka soo qaatay kaliya hal ciyaaryahan.

Rashford ayaa laftiisa iska saaray oo aan ku jirin shaxdaan lix geesoodka ah kaddib markii lagu weydiiyey barnaamij Su’aalo iyo Jawaabo ah oo lagu weydiiyey Instagram-ka qaab toos ah ama Live ah.

Weeraryahanka Man United ayaa kala doortay Goolhaye Van der Sar iyo Goolhayaha haatan David De Gea, waxaana uu qaatay shabaq ilaaliyaha Spain, waxaana inuu De Gea oo uu ku soo daray shaxdan uu noqday ciyaaryahanka kaliya ee shaxdan lix geesoodka ah ku jira oo haatan ka tirsan kooxda Manchester United.

David De Gea

Goolhayaha reer Spain ee De Gea ayaa Rashford uu ku soo darsay shaxdiisa, isagoo ka door biday Edwin Van der Sar, iyadoo De Gea uu noqday ciyaaryahanka kaliya ee shaxdan lix geesoodka ah ku jira oo haatan u ciyaara kooxda Manchester United.

Rio Ferdinand

Daafacan ayaa waqti dheer oo 12 sanadood ah ku qaatay Man United, waxaana uu intii uu saftay ku sugnaa Old Trafford 455 kulan isagoo kula guuleystay koobab dhowr ah.

Paul Scholes

Waxa uu dhaliyey 155 gool 718 kulan oo uu u saftay Manchester United, isagoo kula guuleystay 11 koob oo horyaalka Premier League, afar FA Cup, labo League Cup iyo labo Champions League.

Ryan Giggs

Giggs ayaa Man United u saftay 963 isagoo u dhaliyey 168 gool 24-kiisii sanadood oo uu ku sugaa halkaas.

Cristiano Ronaldo

Ronaldo ayaa dhaliyey 118 gool 292 kulan oo uu u saftay Kooxda Man United ka hor inta uusan ka tagin oo uusan ku biirin Real Madrid sanadkii 2009.

Wayne Rooney

Kabtankii hore ee Man United ayuu Rashford ku soo darsaday Shaxdiisa riyada ee lix geesoodka ah, kaasoo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya Kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford.

SHAXDA LIX GEESOODKA AH EE UU DOORTAY RASHFORD:-

 Marcus Rashford refused to put himself in the all-time dream team

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close