Leicester City oo garaacday kooxda Chelsea kuna guuleysatay koobkeedii ugu horreeyay ee tartanka FA Cup-ka… +SAWIRRO

(London) 15 Maajo 2021. Leicester City ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay koobkeedii ugu horreeyay ee tartanka FA Cup-ka kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Chelsea 0-1, ciyaar xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Wembley.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Leicester City ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 63-aad kooxda Leicester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Youri Tielemans.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1ay kaga adkaatay Leicester City kooxda Chelsea oo ay kulan finalka ahaa ay ku wada ciyaareen garoonka Wembley. Leicester ayaana ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyay ee tartanka FA Cup-ka

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close