Juventus oo garoonkeeda Allianz guul kaga gaartay kooxda Inter Milan… +SAWIRRO

(Turin) 15 Maajo 2021. Juventus ayaa garoonkeeda Allianz guul ay u baahneed kaga gaartay kooxda Inter Milan, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Juventus.

Daqiiqadii 24-aad Juventus ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay weerar yahankooda reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

35 daqiiqo kooxda Inter Milan ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Romelu Lukaku, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay bar-bardhac 1-1 ah.

Laakiin daqiiqadii 45+3 daqiiqo markale Juventus ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 2-1 ka dhigay Juan Cuadrado.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

55 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Rodrigo Bentancur ayaa qaatay kaarka roosaha taasoo ka dhigtay in kooxda Juventus ay ku ciyaarto 10 ciyaaryahan oo kaliya.

Daqiiqadii 83-aad daafaca kooxda Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa iska dhaliyay gool, waxayna dheesha sidaas ku noqotay bar-bardhac 2-2 ah.

Laakiin 88 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Juventus ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Juan Cuadrado, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 3-2 ay ku hoggaamineysay Juve.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-2 ay kaga adkaatay Juventus kooxda Inter Milan oo ku soo booqatay garoonka Allianz, Bianconeri ayaa guushan ay gaartay waxay ka caawisay in booska afaraad ay kala baxdo naadiga Napoli kaddib markii ay uruur sadeen 75 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close