Muxuu Koeman ka yiri kaddib bar-bardhicii niyadjabka lahaa oo ay Barcelona la gashay Levante?

(Barcelona) 12 Maajo 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa muujiyay sida uu kaga careysan yahay bar-bardhicii ay la galeen naadiga Levante.

Levante ayaa ka hor istaagtay Barcelona inay qabato hoggaanka horyaalka La Liga kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 3-3 ah kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Haddaba ciyaarta kaddib tababare Ronald Koeman oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu yiri, sida uu daabacay wargeyska “Marca” ee dalka Spain:

“Waan fiicneyn qeybtii hore, laakiin qeybtii labaad waxaan luminay kubbado badan oo halis ah.”

Ronald Koeman oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas ku sii daray:

“Waxaan sameynay qaladaad badan oo dhanka daafaca ah, kaddib markii ay dhaliyeen goolka bar-bardhaca, waxayna natiijada noqotay bar-bardhac 2-2 ah, waxaan sameynay falcelin waxaana dhalinay gool, laakiin way u fududeed iyagana inay gool dhaliyaan.”

Koeman ayaa intaas kaddib wuxuu weerar culus ku qaaday waxqabadka difaacyada kooxdiisa ee kulankan, wuxuuna yiri:

“Ciyaaraha waxay soconayaan 90 daqiiqo, waxay abuureen qaladaad, si fiicana uma difaacin, waxay ahayd wax aad looga xumaado, oo aan macquul ahayn in la fahmo waxa dhacay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close