Sidee ayay u muuqanaysaa SHAXDA ay Kooxda Chelsea ku soo geli doonto kulanka London Derby ee ay la leeyihiin Arsenal?

(London) 11 Maajo 2021. Tababaraha Kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayay u badan tahay in isagoo aan haysan Mateo Kovacic iyo Andreas Christensen uu Arbacada habeen dambe ka hortagi doono Arsenal kulanka horyaalka Premier League ee ay soo dhoweynayaan Gunners.

Kovacic ayaa ku dhow inuu garoomada dib ugu soo laabto kaddib dhaawac bowdada ah oo uu la maqnaa, laakiin uma badna in halis la gelin doono iyadoo maanka lagu hayo kulanka Final-ka FA Cup-ka, halka Christensen laga saaray wax yar ka hor waqtigii nasashada kulankii Manchester City.

Iyadoo Thiago Silva sidoo kale ay u badan tahay inuusan ku jiri doonin kulanka xiisaha badan ee todobaadkan, Kurt Zouma ayaa ah musharaxa ugu macquulsan ee saddexda daafac ee dambe kala ciyaari kara Antonio Rudiger iyo Cesar Azpilicueta.

Reece James ayay u badan tahay inuu taam u ahaan doono inuu sii wato ciyaaristiisa, halka Hakim Ziyech la rajaynayo in goolkiisii garoonka Etihad uu kaga filnaaday inuu markale si dhaqso ah ugu soo bilowdo safka hore.

Mason Mount laguma arkin kulankii Man City, sidaas darteed waa hubaal inuu ku laaban doono kulankan, waxayna u badan tahay inuu booska kala wareegi doono Christian Pulisic – halka soo laabashada Kai Havertz ay ka saari karto Timo Werner safka hore ee weerarka.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Shaxda ay ku soo geli karto Chelsea kula London Derby ee ay wajahayaan Arsenal:-

Chelsea XI:  Mendy; Azpilicueta, Zouma, Rudiger; James, Jorginho, Kante, Chilwell; Ziyech, Mount; Havertz.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close