RASMI: Andrés Iniesta oo heshiiska u kordhiyey Kooxdiisa Vissel Kobe, xilli maanta ay beegan tahay dhalashadiisa

(Kobe) 11 Maajo 2021. Andrés Iniesta ayaa heshiiska u kordhiyey Kooxdiisa Vissel Kobe, waxaana uu gaarsiiyey ilaa sanadka 2023-ka, xilli maanta ay beegan tahay dhalashada laacibkan.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Vissel Kobe iyo Andrés Iniesta ayay ku xaqiijiyeen in heshiiska ciyaaryahankan khadka dhexe la gaarsiiyey ilaa sanadka 2023-ka.

Xiddigii hore ee Kooxda Barcelona, Andres Iniesta ayay dhalashadiisa ku beegan tahay maanta, waana uu 37 sano jirsaday.

Kooxda ayaana xiddigan ugu hambalyeysay dhalashadiisa, kaddib markii uu qalinka ugu duugay qandaraaskan cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close