Kooxda AC Milan oo soo bandhigtay Maaliyadda ay xiran doonto marka ay gurigeeda ku ciyaarayso xilli ciyaareedka cusub ee 2021/22… + SAWIRRO

(Milan) 11 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta AC Milan ee ka dheesha horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga ayaa soo bandhigtay maaliyadda ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda ka dhisan Garoonka San Siro ee AC Milan waxa ay shaacisay maaliyadda ay ku ciyaari doonto marka ay mininkeeda joogto ee martida loo yahay xilli ciyaareedka cusub ee 2020/21.

Maaliyaddan ayaa dhammaanteed ka sameysan diilimo dhaadheer oo Madow iyo midabka casaanka ah oo ay kooxdu caan ku tahay, waxaana kuleetigeeda uu yahay V, shafkana waxaa kaga dheggan Maaliyadda calaamadda kooxdam midda shirkadda Puma iyo magaca Emirates Fly Better.

Waa markii ugu horreysay Taariikhda horyaalka Serie A ee kooxda haweenka MIlan ay xiran doonaan maaliyadda kooxda marka ay joogaan garoonkooda.

Labiskan cusub oo ay kooxda Milan ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub waxaa farsameysay shirkadda qalabka isboortiga ee Puma.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close