Tababare Ronald Koeman oo si RASMI ah u shaaciyey liiska 23-ka ciyaaryahan ee Barcelona oo uu kala qeyb galayo kulanka Levante

(Barcelona) 10 Maajo 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaaciyay liiska 23-ka ciyaaryahan ee uu ku shaqayn doono kulanka horyaalka La Liga ay habeen dambe booqan doonaan naadiga Levante.

Liiska xiddigaha uu magacaabay Ronald Koeman kulanka ay habeen dambe martigelinayaan kooxda Getafe waxaa hoggaaminaya kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Tababaraha reer Holland ee Ronald Koeman ayaa kulanka habeen dambe ay kula ciyaari doonaan horyaalka La Liga kooxda Levante wuxuu heli doonaa dhammaan xiddigihiisa muhiimka ah.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Barcelona ay kala qeyb galayso kulanka Levante oo ay habeen dambe ku booqan doonaan garoonka Ciudad de Valencia.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close