Horudhac: Arsenal vs West Bromwich Albion… (Gunners oo dooneysa inay kusoo laabato waddada guulaha)

(London) 09 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Arsenal oo toddobaadkii tagay dhammaadkiisa isaga hartay tartanka Europa League kaddib markii Villarreal ay ku reebtay 2-1 wadarta labada lug ee wareegga nus-dhammaadka tartanka Europa League ayaa caawa garoonkeeda kula ciyaareysa naadiga West Bromwich Albion kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Gunners ayaa quus ka taagan usoo bixitaan tartan Yurub ah fasal ciyaareedka soo aaddan iyagoo haatan fadhiya booska 10-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, halka West Brom ay wali u dagaallameyso inay ka baxdo halka loogu laabto horyaalka heerka labaad inkastoo rajadeedu ay tahay mid liidata.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay Arsenal adkaato ciyaartan waxay ka dhignaan doontaa in naadiga martida ah ay si toos ah u xaqiijin doonto u laabashada horyaalka heerka labaad ee dalka Ingiriiska.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 21:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Emirates Stadium

Garsooraha: Peter Bankes (England)

Wararka kooxaha:-

Kieran Tierney oo Arsenal daafaca bidix kaga ciyaara ayaa kusoo laabanaya ciyaaraha Premier League kaddib shan asbuuc oo uu dhaawac ku maqnaa, waxaana uu garoommada sida guud ugu soo laabtay ciyaartii Europa League ee Khamiistii.

Granit Xhaka oo kulankii Villarreal looga reebay dhaawac muruqa ah ayaa xaaladdiisa la qiimeyn doonaa, halka Cedric Soares uu kasoo kabtay qandho iyo xanuun uu ciyaartaas ku seegay, balse waxaa ciyaartan shaki weyn laga galinayaa David Luiz.

West Brom xiddigeeda amaahda ah ee Ainsley Maitland-Niles ayaanan ka hor tagi karin kooxda mulkiyaddiisa iska leh ee Arsenal, sidaad darteed ma ciyaari doono, waxaana diiwaanka ciyaartoyda kulankan seegaya ku wehliya Robert Snodgrass oo dhaawac dhabarka kasoo gaaray ku seegaya afarta kulan ee ka harsan horyaalka xilli ciyaareedkan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool ka fool

Arsenal ayaa guuleysatay 10 ka mid ah 12-kii ciyaarood ee lasoo dhaafay ee Premier League oo ay garoonkeeda kula ciyaartay naadiga West Brom, mana aysan la kulmin wax guuldarro ah iyadoo garoonkeeda kula ciyaareysay naadigan tan iyo September 2010.

West Brom ayaa guuldarreysatay toddobo kulan oo xiriir ah oo ay booqatay Arsenal iyadoo dhalisay kaliya hal gool.

Dhanka kale, Arsenal ayaa gool dhalisay dhammaan 25-ka kulan ee ay Premier League la ciyaartay naadiga West Brom.

Arsenal

The Gunners ayaa guuldarro la’aan ah dhammaan shantii ciyaarood ee ugu dambeeyay Premier League oo ay bannaanka kusoo ciyaartay iyadoo heysata saddex guul iyo labo barbarro.

Arsenal ayaa 27 dhibcood uruursatay kulammada bannaanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan waxayna shan dhibcood ka badan yihiin dhibcaha ay garoonkeeda Emirates ku heysay.

Arsenal ayaa guuldarro la kulantay 13 ka mid ah 38-da kulan ee horyaalka Premier League markii labaad, waxayna hore sidaan oo kale u qabsatay sanad ciyaareedkii 2017-18.

Alexandre Lacazette ayaa dhaliyay afar gool kaddib saddex kulan oo uu ka hor tagay naadiga West Brom.

West Brom

Iyadoo ay afar ciyaarood u harsan tahay kulammada horyaalka, West Brom ayaa 10 dhibcood u jirta inay baaqi kusii ahaato Premier League, waxayna u laaban doontaa heerka labaad markeedii shanaad haddii caawa laga adkaado.

Albion ayaa la kulantay kaliya hal guuldarro shantii ciyaarood ee ugu dambeysay Premier League iyadoo adkaatay labo jeer, halka labada jeer ee kalena barbarro ay gashay.

Macallin Sam Allardyce ayaa guul la’aan ah 17 kulan oo uu isagoo macallin ah booqday naadiga Arsenal dhammaan tartammada.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close