Wada-xaajoodkii heshiis kordhinta ee Neymar Jr iyo PSG oo uu go’aan cad kasoo baxay…(Miyuu burburay?)

(Paris) 08 Maajo 2021. Waxaa dhowaanahan socday wada-xaajood heshiis kordhinh ah oo u dhexeeyay kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain iyo laacibkeeda Neymar Jr, kaasoo dhowaanahan si aad ah loo hadal hayay.

Laacibka reer Brazil ayaa ugu dambeyn qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu baaqi ugu sii ahaan doono Paris xilli ciyaareedyada soo aaddan sida ay baahisay jariiradda L’Equipe.

29-sano jirkan ayaa muddooyinkii dambe si aad ah loola xiriirinayay ku laabashada kooxdiisii hore ee Barcelona taasoo xusul-duub ugu jirtay saxiixiisa saddexdii xagaa ee lasoo dhaafay, hase ahaatee, Neymar ayaa cirib tiray rajadaas maadaama sida lagu soo warramayo aqbalay inuu sii joogo PSG illaa xagaaga 2026.

Si kastaba ha ahaatee, maanta oo Sabti ah ayaa la rajeynayaa inay naadiga ka dhisan Faransiiska si rasmi ah u shaaciso heshiiska cusub ee uu weeraryahankeedu saxiixay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close