RASMI: Neymar Jr oo heshiiska u kordhiyay Paris Saint-Germain…(Immisa sano ayuu sii joogi doonaa Faransiiska?)

(Paris) 08 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in laacibkeeda Neymar Jr uu qalinka dul dhigay heshiis cusub.

Laacibka reer Brazil oo uu qandaraaskiisii hore ku ekaa 2022 ayaa haatan gaarsiiyay illaa 2025 isagoo saddex sano oo dheeraad ah ku daray heshiiskiisii hore ee uu saxiixay 2017.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa miro dhalay dadaalladii kooxda PSG ee heshiis kordhinta Neymar, waxaana haatan hor taalla shaqada heshiis kordhinta ee Kylian Mbappe.

Neymar is the centre of the project and I'm here to help him: Kylian Mbappe  | CricketSoccer

Laacibkii hore ee Monaco ayaa heysta qandaraas dhici doona xagaaga 2022, waxaana uu xiiso badan ka helayaa qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close