Kooxaha Arsenal & Everton oo loo sheegay qiimaha ay ku heli karaan xiddig ka ciyaara horyaalka Premier League

(London) 08 Maajo 2021. Kooxaha Arsenal & Everton ayaa loo sheegay qiimaha ay ku heli karaan ciyaaryahan ay saxiixiisa doonayaan oo ka ciyaara horyaalka Premier League.

Sheffield United ayaa ciyaaryahankeeda Sander Berge ku dalbanaysa 35 milyan oo gini oo u dhiganta 49 milyan oo dollar, inkastoo ay kooxda ka laabatay Premier League.

Warsidaha Yorkshire Live ayaa warinaya kooxda ka dheesha Bramall Lane ayaa u ogolaan doonin inuu baxo haddii aan la bixin qiimaha lagu jabin karo heshiiskiisa, waxaana hadda ay dalbanaysaa 35 milyan oo gini.

Kooxaha Arsenal, Everton iyo Aston Villa ayaa dhammaantood la la xiriirinayey saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Norway, laakiin haatan waxa ay ogaadeen qiimaha ay ku heli karaan xiddigan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close