Koox ka ciyaarta Premier League oo damacsan inay xagaagan la saxiixato Mohamed Salah

(England) 08 Maajo 2021. Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa shaki badan la gelinayaa mustaqbalkiisa tan iyo markii uu dhowaan sheegay inaysan kooxdiisa kala hadlin arrimo la xiriira heshiis kordhin, sidaas darteed, waxaa haatan saxiixiisa daneynaya qaar ka mid ah kooxaha waaweyn ee ka dhisan qaaradda Yurub.

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay dooneyso saxiixa Salah suuqa xagaagan sida wararka ka imaanaya Ingiriiska ay sheegayaan.

Wargeyska Daily Star ayaa daabacay in kooxda ciyaareysa fiinaalka Champions League xilli ciyaareedkan ay dooneyso inay kooxdeeda kusoo celiso weeraryahanka Masaarida kaasoo horraan waqti ciyaareed adag kusoo qaatay Stamford Bridge.

Jose Mourinho: I didn't sell Mohamed Salah at Chelsea - I fell in love with  him! | Goal.com

Sidoo kale, wargeyska ayaa intaas ku daray in Thomas Tuchel uu ka dalbanayo maamulka Blues saxiixa 28-jirka ka ciyaara garabka midig si uu weerarka ugula dhammeystiro Timo Werner iyo Mason Mount.

Si kastaba ha ahaatee, Salah ayaa ka tirsanaa Chelsea intii u dhexeysay 2014 illaa 2016 inkastoo amaahyo kala duwan uu ku qaatay kooxaha Fiorentina iyo AS Roma illaa uu ugu dambeyn ku biiray Roma xagaagii 2016.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close