Arsenal oo aan qorsheynaynin inay cayriso Tababaraheeda Mikel Arteta ka hor xilli ciyaareedka soo socda

(London) 08 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inaysan qorsheynaynin inay shaqada ka cayriso tababaraheeda Mikel Arteta ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo socda.

Cadaadiska ayaa ku soo kordhay Tababaraha reer Spain kaddib markii kooxdiisa habeenkii Jimcaha soo galayay ay Villarreal ku reebtay afar dhammaadka Europa League.

Gunners ayaa goolal la’aan lagula galay garoonkeeda Emirates looga saaray tartanka Europa League, kaddib markii ay kooxda La Liga ka ciyaarta ay ku filnaatay inay barbaro 0-0 ah ku galaan London, kaddib markii kooxda uu hoggaamiyo tababarahii hore ee Arsenal, Unai Emery ay lugtii hore ku soo adkaatay 2-1.

Sida uu warinayo Wargeyska Daily Mail, Maamulka sare ee Kooxda Arsenal ayaan aaminsanayn in badalista tababaraheeda ay lagama maarmaan tahay xilligan la joogo, maadaama ay qaadanayaan xilli ciyaareed aan caadi ahayd fasal ciyaareedkan 2020-21 oo uu dunida saameyn badan ku yeeshay caabuqa Korona Fayras.

Si kastaba ha noqotee, maamulka kooxda Gunners ayaa ka niyad-jabsan bandhigga kooxdooda ee xilli ciyaareedkan, waxaana ay rajaynayaan inay horumar weyn sameyn doonto kooxdu xilli ciyaareedka soo socda.

Haddii Arteta uu sii ahaanayo Macallinka Kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan, bilow liita oo xilli ciyaareedka soo socda ee 2021-22 ayaa halis gelin doonta booska 39-sano jirka ee kooxda.

Milkiilaha Arsenal ee Stan Kroenke ayaa ku adkeysanaya in kooxda aysan iib ahayn, wuxuu hubin doonaa inay jiraan lacago la heli karo xilli ciyaareedka soo aaddan, laakiin qorshaha waxaa qurin lahaa haddii ay Arsenal u soo bixi lahayd Koobka Horyaalladda Yurub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close