Manchester City oo noqotay Kooxdii 42-aad ee gaartay Final-ka Koobka Horyaallada Yurub… (Ka bogo dhammaan kooxihii ka horreeyey)

(Manchester) 05 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa markii ugu horreysay xalay iska xaadirisay final-ka UEFA Champions League, kaddib markii ay minin iyo marti u garaaceen PSG.

Manchester City ayaa noqotay kooxdii 42-aad ee ka soo muuqata Final-ka Koobka Horyaallada Yurub.

Sky Blue ayaa noqotay kooxdii sagaalaad ee Ingiriis ah oo gaartay Final-ka Koobka Horyaallada Yurub, kaddib markii lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League ay xalay guul ka gaareen Paris.

Man City ayaa sidoo kale noqotay kooxdii 42-aad ee iska xaadirisay kama dambeysta tartankan, kaddib markii wax ka yar 12 bilood ay PSG markii ugu horreysay ka soo muuqatay Final-ka tartankan.

Real Madrid ayaa ahayd kooxdii ugu horreysay ee tagta Final-ka Koobka Horyaallada Yurub, halka Manchester City ay xalay noqotay kooxdii ugu dambeysay ee gaarta Final-ka Koobkan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg dhammaan 42-da kooxood ee iska xaadiriyey Final-ka Koobka Horyaallada Yurub:-

1 Real Madrid (first final 1956)

2 Reims (1956)

3 Fiorentina (1957)

4 AC Milan (1958)

5 Eintracht Frankfurt (1960)

6 Benfica (1961)

7 Barcelona (1961)

8 Inter Milan (1964)

9 Partizan (1966)

10 Celtic (1967)

11 Manchester United (1968)

12 Ajax (1969)

13 Feyenoord (1970)

14 Panathinaikos (1971)

15 Juventus (1973)

16 Bayern München (1974)

17 Atlético Madrid (1974)

18 Leeds United (1975)

19 Saint-Étienne (1976)

20 Liverpool (1977)

21 Borussia Mönchengladbach (1977)

22 Club Brugge (1978)

23 Nottingham Forest (1979)

24 Malmö (1979)

25 Hamburg (1980)

26 Aston Villa (1982)

27 Roma (1984)

28 Steaua București (1986)

29 Porto (1987)

30 PSV Eindhoven (1988)

31 Crvena zvezda (1991)

32 Marseille (1991)

33 Sampdoria (1992)

34 Borussia Dortmund (1997)

35 Valencia (2000)

36 Bayer Leverkusen (2002)

37 Monaco (2004)

38 Arsenal (2006)

39 Chelsea (2008)

40 Tottenham Hotspur (2019)

41 Paris Saint-Germain (2020)

42 Manchester City (2021)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close