Lionel Messi oo qarka u saaran inuu jebiyo rikoor u yaalla Diego Maradona

(Barcelona) 04 Maajo 2021. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa wali ku guda jira jebinta rikoorrada kubadda cagta ee la sameeyay isaga hortiis, waxaana haatan uu ku dhow yahay inuu jebiyo rikoor uu horraan heystay halyeyga ay qaranka Argentina ku wada abtirsadaan Diego Maradona.

Rikoorkan ayaa daba socda rikoorradii uu sameeyay laadkii xorta ahaa ee uu Messi kaga dhaliyay kooxda Valencia garoonka Mestalla Stadium ciyaartii dhacday habeenkii Axadd ee ka tirsaneyd La Liga, kaasoo ahaa midkii 50-aad ee uu dhaliyay Barca.

Messi closes on Maradona record

Sidaas darteed, wadarta guud ee laadadka xorta ah ee uu dhaliyay kabtanka Barcelona ayaa ah 56 isagoo dhalinta saddex laad oo xor ah uu u jiro rikoorka laadadka xorta ah ee Diego Maradona kaasoo xirfaddiisa kubadda cagta dhaliyay 59 laad oo xor, waxaana uu ku socdaa inuu jebiyo rikoorka xiddiga Argentina ee laadadka ugu badan ee xor ah dhaliyay.

Leo ayaa haatan ka sara maray xiddigihii reer Argentina ee Maradona kusoo xigay ee kala ahaa Manuel Pelegrina oo dhaliyay 45 laad oo xor ah iyo Daniel Passarella oo dhaliyay 43 laad oo xor ah.

Si kastaba ha ahaatee, 33-jirka Kabtanka u ah xulka Albiceleste iyo naadiga Bluagrana ayaa toddobaadka soo aaddan wajahaya naadiga Atletico Madrid oo ah naadigii ugu horreeyay ee ka dhaliyo laadkiisii xorta ahaa ee ugu horreeyay xirfaddiisa Barca ciyaar ay ku adkaadeen 6-1 oo dhacday 4-ta bishii October sanadkii 2008.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close