Kooxaha Manchester ka dhisan iyo Liverpool oo ku dagaallamaya saxiixa xiddig laf dhabar u ah Leeds United

(England) 03 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Leeds United ayaa wajehysa duulaan adag oo kaga imaanaya Manchester City, Manchester United iyo Liverpool kuwaasoo dhammaantood diyaar u ah inay ku hardamaan saxiixa laacibka garabka ka ciyaara ee Raphinha suuqa xagaagan.

24-sano jirkaan ayaa bandhig heer sare ah ka sameenaya horyaalka Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay isagoo dhaliyay lix gool sidoo kalena caawiyay lix kale kaddib 26 kulan oo uu u ciyaaray naadiga Leeds.

Man City to rival Man United, Liverpool for Raphinha?

Kooxaha Liverpool iyo Man United ayaa dhowaan soo bandhigay xiisaha ay u qabaan saxiixa laacibka reer Brazil kaasoo qandaraaskiisa garoonka Ellan Road ay kaga harsan tahay saddex sano.

Sida laga soo xiganayo wariyaha Taliyaaniga u dhashay ee  Gianluigi Longari, Man City ayaa dib kaga soo biirtay doonista Raphinha, iyadoo haatan kooxda Cad-cadka lagu naaneyso ay wajaheyso dagaal culus si ay usii heysato laacibkeeda garabka ka ciyaara.

Longari ayaa sheegay inaysan kala caddeyn go’aanka Leeds kaga aaddan mustaqbalka laacibkan, hase ahaatee, waxa uu hadalkiisa ku daray in naadiga Marcelo Bielsa diyaar u tahay inay ceshato Raphinha.

Laacibkii hore ee Rennes ayaa kooxda reer England u dhaliyay siddeed gool isagoo caawiyay toddobo kale kaddib 36 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu usoo dhaqaaqay West Yorkshire kooxda ka dhisan xagaagii 2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close