Dortmund oo go’aamisay qiimaha Sancho & kooxda ka dhisan England oo si xoogan u soo gashay loolanka loogu jiro saxiixiisa

(Dortmund) 03 Maajo 2021. Wargeyska “Bild” ee dalka Germany ayaa sheegay in kooxda Borussia Dortmund ay dalban doonto lacag dhan 100 million euros, si ay u iibiso laacibkeeda reer England ee Jadon Sancho.

Saxafiga lagu kalsoon yahay ee Fabrizio Romano ayaa ka hadlay waxyaabaha ku saabsan wararka la xiriirinaya ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ee Jadon Sancho inuu ku biirayo kooxda Liverpool.

Warbaahino kala duwan ayaa la xiriirinayay xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, inuu u dhaqaaqayo naadiga Liverpool xagaaga soo socda.

Fabrizio Romano ayaa daaha ka qaaday in Liverpool ay si xoogan u soo gashay loolanka loogu jiro saxiixa Jadon Sancho, isla markaana ay dooneyso inay gacanta ku dhigto inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga xagaaga kaddib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Saxafigan caanka ah ayaa sheegay in Liverpool ay dooneysay inay la soo saxiixato Jadon Sanchon, markii uu ahaa ciyaaryahan ka tirsan kooxda Manchester City, laakiin taasi ma dhicin ka hor inta uusan u dhaqaaqin Borussia Dortmund.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close