HAMBALYO: Inter Milan oo ku guuleysatay horyaalka Serie A!

(Milano) 02 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Inter Milan ayaa ku guuleysatay horyaalka dalk Taliyaaniga ee Serie A xilli ciyaareedkan 2020-2021.

Nerazzuri ayaa xaqiijisay hanashada Scudetto kaddib markii kooxda Sassuolo ay barbarro 1-1 ah ku celisay kooxdii kaalinta labaad ee Atalanta,

Barbarrahaas ayay Inter ku xaqiijisay hanashada horyaalkeedii 19-aad ee dalka Taliyaaniga iyo midkii ugu horreeyay ee ay qaaddo tan iyo 2010.

Kooxda Macallin Antonio Conte ayaa hanatay Scudetto iyadoo la ciyaaray 34 kulan, waxaana horyaalka ka harsan ilaa iyo afar toddobaad in la ciyaaro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close