Barcelona oo guul ay u baahneyd ka soo heshay Valencia xilli uu si wanaagsan kaga dhex muuqday Lionel Messi… SAWIRRO

(Valencia) 02 Maajo 2021. Barcelona ayaa guul ay u baahneyd kaga soo gaartay kooxda Valencia garoonka Mestalla, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-3, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada Isbuuca 34-aad ee horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Valencia iyo Barcelon ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad kooxda Valencia ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Gabriel Paulista, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Carlos Soler.

57 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Barcelona ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay kabtanka kooxda ee Lionel Messi.

Balse daqiiqadii 63-aad kooxa Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-2 ah ka dhigay weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann.

68 daqiiqo Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 83-aad kooxda Valencia ayaa dhalisay gool, waxaana 2-3 ka dhigay dheesha Carlos Soler oo caawin ka helay saaxiibkiis Christian Oliva.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 2-3 ay kaga soo adkaatay Barcelona kooxda Valencia oo ay ku booqatay garoonka Estadio Mestalla, Blaugrana ayaa wali kaga jirta dhanka kala sareynta horyaalka booska saddexaad, waxayna min 74 dhibcood wadaagaan Real Madrid oo labaad fadhisa.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close