Arsenal oo guul ka soo heshay kooxda Newcastle United oo ay ku booqatay garoonka St James’ Park… +SAWIRRO

(Newcastle) 02 Maajo 2021. Arsenal ayaa guul ka soo heshay kooxda Newcastle United oo ay ku booqatay garoonka St James’ Park, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada 34-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Arsenal.

Daqiiqadii 6-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Mohamed Elneny, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Pierre-Emerick Aubameyang.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

66 daqiiqo marka dheesha mareysay kooxda Pierre-Emerick Aubameyang oo caawin ka helay saaxiibkiis Gabriel Martinelli ayaa ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-2 ay kaga soo adkaatay Arsenal kooxda Newcastle United oo ay ku booqatay garoonka St James’ Park, Gunners ayaa wali kaga jirta jadwalkja kala sareynta kaalinta 9-aad waxayna leedahay 49 dhibcood.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close