Manchester City oo guul ay u qalantay ka soo gaartay kooxda Crystal Palace oo ay booqatay… +SAWIRRO

(London) 01 Maajo 2021. Manchester City ayaa guul ay u qalantay ka soo gaartay kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Selhurst Park, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Crystal Palace iyo Manchester City ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 57-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Sergio Aguero, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Benjamin Mendy.

59 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Manchester City  ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay Ferran Torres.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-2 ay kaga soo adkaatay Manchester City kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Selhurst Park, sky blue ayaa haatan leh 80 dhibcood, waxayna kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Man United ka sareysaa 13 dhibcood.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close