Macquul ma tahay in Inter Milan ay toddobaadkan hanato Scudetto? Maxayse u baahan tahay si ay xaqiijiyo ku guuleysiga horyaalka?

(Italy) 01 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Inter Milan ayaa qarka u saaran inay kor u qaaddo koobka horyaalka Serie A markii ugu horreysay tan iyo 2010, waxaana ay heysataa fursad loogu sii caleemo saari karo hanashada horyaalka dalka Taliyaaniga.

Inter ayaa xaqiijin karta inay toddobaadkan gacanta ku dhigto Scudetto haddii ay caawa ka adkaato kooxda Crotone isla markaasna ay Atalanta ka adkaan weyso kooxda Sassuolo.

Nerazzuri ayaa caawa la balansan naadiga Crotone ciyaar ka dhici doonta garoonka Stadio Ezio Scida, waxaana haddii ay guul soo gaarto kusoo laabaneysaa magaalada Milan iyadoo eegeysa ciyaarta Atalanta iyo Sassuolo, iyadoona dabaal degga ka bilaabi doonta xeradooda tababarka ee Pinetina haddii kooxda Macallin Gian Piero Gasperini guuleysan weyso ciyaartaas.

Marka ay xaqiijiso Inter Milan hanashada Serie A waxa uu noqon doonaa horyaalkeeda 18-aad ee ay ku guuleysato iyo midka ugu horreeya tan iyo 2010 xilligaas oo ay saddexley koobab ah qaadday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close