Caqabadda hor taagan inay Real Madrid iyo Sergio Ramos ku heshiiyaan qandaraas cusub waa…

(Madrid) 01 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid iyo kabtankeeda Sergio Ramos ayaanan wali isla meel dhigin heshiis ku aaddan in la cusbooneysiiyo qandaraaska uu laacibkan ku joogo Madrid iyadoo ay kaliya laba bilood ka harsantahay midka uu haatan kula jiro.

Naadiga reer Spain ayaa diyaar la ah qandaraas hal sano ah inay guddoonsiiyaan Ramos, halka isaguna uu doonayo inuu helo heshiis labo sano ah.

MARCA ayaa fahansan in caqabadda hor taagan in Ramos iyo Real Madrid ay ku heshiiyaan qandaraaska cusub ay tahay muddada ku xusan qandaraaska uu ku sii joogi doono caasimadda Spain, maadaama kabtanka xulka qaranka Spain uu doonayo heshiis ku filan oo gaaraya illaa labo sano.

35-jirka ka ciyaara difaaca dhexe ayaa aqbali kara inuu sameyo mushahar dhimis, balse waxaa ku adag inuu ogolaado inuu qalinka ku duugo heshiis hal sano oo qura ah.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka ka dhexeeya Ramos iyo madaxweynaha Madrid ayaa lagu tilmaamaa mid aad u wanaagsan, balse wali way isku raaci la’yihiin inay isku af gartaan heshiiska cusub ee uu kula sii joogi karo Los Blancos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close