Zidane oo si RASMI ah u shaaciyey liiska 21-ka ciyaaryahan ee Real Madrid uu kala qeyb galayo kulanka Osasuna

(Madrid) 30 Abriil 2021. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa shaaciyay liiska 21-ka ciyaartoy ee uu ku shaqayn doono kulanka horyaalka La Liga ay habeen dambe soo dhaweyn doonaan kooxda Osasuna.

Zinedine Zidane liiska uu magacaabay ee xiddigihiisa Real Madrid kulanka ay habeen dambe soo dhaweyn doonaan kooxda Osasuna waxaa ka hoggaaminaya dhanka weerarka xiddigaha kala ah Karim Benzema, Vinícius Júnior iyo Eden Hazard.

Laakiin taasi badelkeeda waxaa Liiskan uu ku dhawaaqay tababare Zidane ka maqan, kabtanka kooxda ee Sergio Ramos, Dani Carvajal iyo Lucas Vázquez.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ay kala qeyb galayso kulanka ay habeen dambe soo dhaweyn doonaan kooxda Osasuna:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close