Man United oo Old Trafford ku xasuuqday Roma, xilli Arsenal lagu soo garaacay Spain kulan labo xiddig garoonka laga saaray… +SAWIRRO

(Yurub) 29 Abriil 2021. Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku xasuuqday Roma, kaddib markii ay kaga adkaatay 6-2, kulanka lugta hore wareega afar dhammaadka tartanka UEFA Europa League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee AS Roma.

Daqiiqadii 9-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Bruno Fernandes oo caawin ka helay saaxiibkiis Edinson Cavani.

Laakiin 15 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda kubadda cagta Roma ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay oo 1-1 ka dhigay ciyaarta Lorenzo Pellegrini.

Daqiiqadii 34-aad AS Roma ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Edin Dzeko, waxaana goolkan caawintiisa lahaa Lorenzo Pellegrini.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

48 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Manchester United ayaa la timid goolka bar-bardhaca waxaana 2-2 ka dhigay Edinson Cavani oo caawin ka helay laacibka reer Portugal ee Bruno Fernandes.

Edinson Cavani ayaa markale gaaray shabaqa kooxda AS Roma daqiiqadii 64-aad, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester United.

Daqiiqadii 71-aad kooxda Manchester United ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Bruno Fernandes, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 4-2 ay ku hoggaamineysay United-ka.

75 daqiiqo Paul Pogba ayaa si toos ah u niyadjabiyay xiddigaha kooxda AS Roma kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 5-2, waxaana si qurux badan goolkan kaga caawiyay saaxiibkiis Bruno Fernandes.

Daqiiqadii 86-aad kooxda Manchester United oo sii wadata bandhigeeda goolasha ee kulankan ayaa waxay dhalisay gool, waxaana 6-2 ka dhigay dheesha Mason Greenwood oo caawin ka helay Edinson Cavani.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 6-2 ay kaga adkaatay Manchester United kooxda Roma oo ku soo booqatay garoonka Old Trafford, kulankii lugta hore wareega afar dhammaadka tartanka UEFA Europa League.

Dhinaca kale 10 ciyaaryahan kooxda Villarreal ayaa waxay guul 2-1 ah kaga gaareen garoonkooda Estadio de la Ceramica 10 xiddig oo Arsenal ah, kulankii lugta hore ee wareega afar dhammaadka tartanka UEFA Europa League, goolka Gunners oo ahaa rogoore waxaa u dhaliyay Nicolas Pepe.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Bukayo Saka on the ball

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close