Granada oo guul ka soo gaartay kooxda Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou… +SAWIRRO

(Barcelona) 29 Abriil 2021. Granada ayaa guul ka soo gaartay kooxda Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, Barcelona ayaa wali ku jirta booska saddexaad waxayna iska lumisay fursad ay kula wareegi laheyd hoggaanka horyaalka, waxayna min 71 dhibcood wadaagaan Real Madrid oo booska labaad ku jirta.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 23-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay kabtanka kooxda ee Lionel Messi, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Antoine Griezmann.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

63 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Granada ayaa heshay goolka bar-bardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay xiddigooda Darwin Machis.

Daqiiqadii 79-aad Granada ayaa markeeda hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-2 ka dhigay Jorge Molina oo caawin qurux badan ka helay saaxiibkiis Adrian Marin.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Granada kooxda Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, xilli kulankan uu ahaa mid baaqi ahaa oo ka tirsanaa kulammada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close