“Aamus” – Marco Verratti oo canaantay Pep Guadriola intii ay socotay ciyaartii xalay

(Paris) 29 Abriil 2021. Kaamirooyinka iyo makaroofannada garoonka Parc des Princess ayaa soo qabtay xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain ee Marco Verratti oo si kulul ugu jawaabaya Pep Guardiola markii uu macallinka reer Spain ka dooday qalad uu laacibka PSG ku sameeyay mid ka mid ah xiddigaha Manchester City.

Isku dhacan ayaa yimid intii ay socotay qaybtii hore ee ciyaartii lugta hore ee wareegga nus-dhammaadka Champions League xilligaas oo ay PSG 1-0 hoggaanka kaga heysay Man City.

Maadaama garoonka uu marnaa oo aysan wax taageere ah joogin, makaroofannada garoonka ayaa soo qabtay isagoo Verratti ku qeylinaya luuqadda Isbaanishka ah, waxaana tebiyihii ciyaarta ka tabinayay muuqbaahiyaha Sky Sport Italia ku fasiray ereyadii xiddiga PSG inay ahaayeen: “Maxaad rabtaa? Aamus!”.

28-jirka Taliyaaniga ah ayaa dhawaaqaas ugu jawaabayay Macallin Guardiola oo garsoorka usoo jeedinayay inuu calaamadda jaallaha ama hurdiga uu siiyo Verratti kaddib markii uu jilaafo adag ku sameeyay xiddig u ciyaara Sky Blue.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa guul bannaanka kaga soo gaartay kooxda Paris Sain-Germain ciyaar kusoo dhammaatay 1-2, waxaana lugta labaad ee wareegga semi-fiinaalka tartanka Champions League ka dhici doontaa garoonka Etihad toddobaadka soo aaddan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close