Marcelo oo arrimo aan isboortis ahayn ku seegaya ciyaarta kooxdiisa Real Madrid ay booqaneyso Chelsea

(Madrid) 28 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa toddobaadka dambe la ciyaari doonta dhiggeeda Chelsea kulanka lugta labaad ee wareegga nus-dhammaadka Champions League, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Marcelo uu ciyaartaas seegi doono.

Marcelo ayaa loogu yeeray inuu ka shaqeeyo doorashooyinka madaniga ee magaalada Madrid, waxaana uu mashquulkaas awgiis seegi karaa safarka Los Blancos ay ku aadeyso London.

Doorashada ayaa ku jadwaleysan 4-ta bisha, waana maalin ka hor marka ay Real Madrid la ciyaareyso Chelsea ciyaarta lugta labaad ee wareegga afar-dhammaadka Champions League.

Blues ayaa garoonkeeda Stamford Bridge kula ciyaareysa Real Madrid, waxaana ciyaartii lugta hore ee xalay ka dhacday caasimadda Spain ay ku dhammaatay barbarro 1-1.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close