Inuu mar ku dhowaaday u ciyaarista Man City, xiddigii ahaa laacibka uu ugu jecel yahay Ingiriiska, sababihii burburiyay heshiiskii uu ugu biiri lahaa Juve & xaqiiqooyin qarsoon oo ku saabsan Pep Guardiola

(Manchester) 28 Abriil 2021. Baasaska darandooriga ah iyo hab maamulka khadka dhexe ayuu Pep Guardiola caan ku ahaa intii uu ku gudo jiray waayihiisii ciyaaryahannimo, halka farsamooyin cajiib ah uu la yimid markii uu noqday macallinka kooxda Barcelona.

Guardiola ayaa kasoo ciyaaray horyaallada La Liga iyo Serie A oo ay usii dheeryihiin inuu kasoo ciyaaray dalalka Qatar iyo Mexico, isagoo sidoo kale soo matalay xulka qaranka dalka Spain, waxaana uu heerkiisii naadi soo marayn naadiyada kala ah Barcelona, Brescia, Roma, Al-Ahli iyo Dorados.

Dhanka kale, macallinka Isbaanishka ah ayaa soo maamulay kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo Manchester City oo uu haatan maamulo, waxaana uu sidoo kale dhigay rikoorro u gaar ah xirfaddiisa macallinnimo.

Haddaba halkan hoose ayaan ku eegi doonnaa xaqiiqooyin gaar u ah Guardiola kuwaasoo laga yaabo inaadan hore u ogeyn.

>- Pep Guardiola ayaa ku dhowaaday inuu ku biiro Manchester City isagoo ciyaaryahan ah sanadkii 2005.

Xagaagii 2005 ayuu Pep soo af jaray waqti ciyaareedkiisii dalka Qatar, waxaana uu ku dhowaaday inuu Yurub kusoo laabto sidoo kalena uu ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska, hase ahaatee, waxa uu markii dambe u ruqaansaday dalka Mexico halkaas oo uu ciyaarihiisii kusoo gaba-gabeeyay.

>- Ciyaaryahankii uu ugu jeclaa xiddigaha England waxa uu ahaa Peter Crouch

Weeraryahankii hore ee Liverpool iyo Tottenham sidoo kalena kooxo badan oo Ingiriiska ka dhisan u soo ciyaaray ayaa ahaa dooqa Guardiola xilligii uu ciyaaryahanka ahaa.

>- Pep Guardiola ayaa bilad dahab ah ku guuleystay saddex jeer oo kala duwan

Tan koowaad waa biladda dahabka ah ee Olimbikada oo uu ku guuleystay sanadkii 1992 isagoo qayb ka ahaa xiddigihii kubadda cagta u matalay dalka Spain.

Biladda labaad ee dahab ah waxaa guddoonsiiyay wasaaradda waxbarashada, dhaqanka iyo isboortiga ee dalka Spain kaddib dhaqdhaqaaqyo isboorti oo uu ka horumariyay dalkaas sanadkii 2010.

Biladda saddexaad waxaa uu sanadkii 2011 ka helay baarlamaanka gobolka Catalonia.

>- Waxaa burburay heshiis uu ugu biiri rabay kooxda Juventus

Pep ayaa ku dhowaaday inuu ku biiro Bianconeri markii uu magaalada Turin macsalaameeyay Zinedine Zidane, kooxda Taliyaaniga ah ayaana dooneysay inay Pep baddel uga dhigaan halyeyga France hase ahaatee, waxa uu heshiiska burburay markii ay isku af garan waayaan wada xaajoodka shaqsiga ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close