RASMI: Bayern Munich oo burburisay heshiiska Hansi Flick… (Sababta keentay, & macallinka baddelka u noqonaya oo heshiis la gaaray Bavarians)

(Munich) 27 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta ee Bayern Munich ayaa si rasmi ah u nasakhday heshiiska macallinkeeda Hansi Flick ka hor labo sano xilligii uu ku ekaa inkastoo uu shaqada sii joogi doono illaa 30-ka June ee 2020.

Macallin Flick ayaa horraan dhowr jeer codsaday inuu shaqada kooxda ka tago, sidoo kalena heshiiskiisa la burburiyo kaddib khilaaf sida la sheegay soo kala dhex galay isaga iyo agaasimaha ciyaaraha naadiga Bayern ee Hasan Salihamidžić.

Si kastaba ha ahaatee, naadiga difaacaneysa Bundesliga ayaa xilka macallinnimo u magacawday tababaraha naadiga RB Leipzig ee Julian Nagelsmann kaasoo maanta xaqiijiyay inuu ka tagayo shaqadiisa haatan marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan.

Macallinka kasoo jeeda gobolka Bayern ee ka dhisan tahay ee Bavarian ayaa shaqada kooxdiisa cusub la wareegi doona 1-da bisha July ee bartamaha sanadkan, waxaana uu qalinka dul dhigi doonaa heshiis shan sano ah oo uu Allianz Arena kusii heyn doona illaa iyo Jun 2026.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close