Leeds United oo taako u dhigtay kooxda Man United oo ku soo booqatay garoonka Elland Road… +SAWIRRO

(Leeds) 25 Abriil 2021. Leeds United ayaa taako u dhigtay kooxda Manchester United oo ku soo booqatay garoonka Elland Road, kaddib markii ay ku kal baxeen bar-bardhac 0-0 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hote ee ciyaarta ayeey labada kooxood Leeds United iyo Manchester United ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-bardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Leeds United iyo Manchester United, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Elland Road.

Red Devils ayaa fadhisa booska labaad ee kala sareynta horyaalka iyadoo leh 67 dhibcood, waxayna 10 dhibcood ka hooseysaa hoggaamiyaasha Premier League ee Manchester City.

SAWIRRO:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close