“Kooxuhu kama bixi karaan European Super League” – Madaxweyne Florentino Perez

(Madrid) 25 Abriil 2021. Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa ku adkeysanaya in 12-ka Kooxood ee saxiixay inay qeyb ka yihiin tartanka European Super League aysan bixi karin, sababo la xiriira sida uu sheegay qandaraasyo qasab ah.

74-sano jirkaan ayaa ka mid ah taageerayaasha aadka u yar ee mashruucaan, kaasoo arkay in 10 ka mid ah kooxihii aas-aasay ay ka baxeen qorshayaashaas kaddib markii ay si xun uga fal celiyeen tartankaas, taageerayaasha, ciyaartoyda, Macallimiinta, hay’adaha maamulka ciyaaraha qaarkood iyo kuwo ka mid ah dowladaha dalalka ay kooxahaas ka dhisan yihiin.

Real Madrid oo ay wehliso Barcelona waa kaliya labada kooxood ee weli baaqiga ku sii ah mashruucan, laakiin Madaxweyne Perez ayaa sheegay in tartanka uu dhowaan hore u socon doono, isla markaana aysan sahlanayn in kooxaha kale ay ka baxaan.

Madaxweynaha Los Blancos oo la hadlayay Jariiradda AS ayaa yiri: “Uma baahni inaan sharraxo waxa uu yahay qandaraaska qasabka ah, laakiin si wax ku ool ah kooxuhu ma bixi karaan.

“Qaar ka mid ah, cadaadis dartiis waxa ay yiraahdeen waan tagaynaa, laakiin mashruucan ama mid aad ula mid ah horay ayay u socon doonaan waan rajaynayaa dhowaan.”

Qandaraasyada European Super League oo qaarkood si qarsoodi ah loo faafiyay ayaa sheegaya in koox kasta oo doonaysa inay baxdo tartankan ay bixin doonto lacag dhan 130 milyan oo ginni, halka Barcelona iyo Real Madrid ay jeebka ku shuban doonaan 52 milyan oo gini oo ka badan lacagta ay heli doonaan kooxaha kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close