Kooxda Ajax oo shaacisay qiimaha ay ku iibinayso xiddigeeda boosaska kala duwan ka ciyaara ee Nicolas Tagliafico

(Amsterdam) 25 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta Ajax ayaa la soo warinayaa inay iska iibinayso xiddiga boosaska kala duwan ka ciyaara ee Nicolas Tagliafico, iyadoo haatan la ogaaday qiimaha ay isaga iibinayso.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa warinaya in Kooxda Ajax ay diyaar u tahay inay Nicolas Tagliafico ku fasaxdo adduun dhan 13 milyan oo gini.

Tagliafico ayaa wacdarro dhigay booska daafaca bidix iyo daafaca dhexe tan iyo markii uu yimid Holland, isagoo soo jiitay indhaha qaar ka mid ah kooxaha waa weyn ee qaradda Yurub.

Maadaama ahaatan ay Ajax shaacisay qiimaha ay ku fasaxayso Nicolas Tagliafico, waxaana heegan buuxa galay kooxaha saxiixiisa doonayay sida Inter Milan, Manchester City iyo Leeds United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close