Horudhac: Leeds United vs Man United… (Labada kooxood oo markii ugu horreysay horyaalka ku wada ciyaaraya garoonka Elland Road tan iyo 2003 & Ole oo u socda 300 oo kulan)

(Leeds) 25 Abriil 2021. Mid ka mid ah kulamada adag ee horyaalka Premier League ayaa galabta oo Axad ah ka dhici doona garoonka Elland Road galabnimada, iyadoo Leeds United ay soo dhaweyn doonto kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United.

Leeds ayaa wacdaro ka muujisay ku soo laabashadooda heerkaan ee horyaalka Premier League, waxayna haatan fadhisaa kaalinta 10-aad ee kala sarreynta, iyadoo leh 46-dhibcood, halka Man United ay ku jirto kaalinta labaad, iyagoo 7 dhibcood ka sarreeya kooxda kaalinta saddexaad ee Leicester City.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 04:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Elland Road

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Wararka kooxaha:-

Tababaraha Kooxda Leeds ee Marcelo Bielsa ayaa shaaca ka qaaday in xiddigeeda garabka ka ciyaara ee Raphinha uu la dhibtoonayo inuu ka soo kabsado dhaawacii bowdada ka soo gaaray kulankii Manchester City.

Rodrigo ayaa weli ku maqanaan doona dhaawac muruqa ah, halka kabtanka Liam Cooper uu qaadanayo ganaax saddex kulan ah.

Weeraryahanka Kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa weli ku jira dhaawac cagta ah, laakiin waxaa laga yaabaa inuu ku lug yeesho kulankaas, inkastoo uusan tababar qaadanin todobaadkaan.

Eric Bailly ayaa loollan ugu jira sidii uu safka kooxda uga soo muuqan lahaa kaddib markii uu ka soo kabsaday caabuqa Korona Fayras oo haleelay.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool ka fool

>- Kani waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League oo ay labadaan kooxood ku wada ciyaaraan garoonka Elland Road tan iyo bishii October ee sanadkii 2003.

>- Guushii ugu dambeysay oo ay Leeds United ka gaarto Manchester United horyaalka Premier League waxa ay ahayd markii ay 1-0 uga adkaadeen kulan ka dhacay garoonkooda bishii September ee sanadkii 2002.

Leeds United

>- Leeds United ayaa gaari karta lix kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League oo ay guuldarro la’aan yihiin (unbeaten) markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2002.

>- Rikoorkaas aan laga badinin oo ay guuldarro la’aanta ahaayeen waxaa hakiyay oo soo gabagabaysay guuldarradii 4-3 ee ka soo gaartay Manchester United, iyadoo ku ciyaaraysay garoonkeeda, markaasoo goolashaas uu dhaliyey labo ka mid ah macallinka haatan Man Utd ee Ole Gunnar Solskjaer.

>- Kaliya hal jeer ayaa looga badiyay gurigooda lixdoodii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka, waxaana ay gurigooda ku haystaan lixdii kulan ee ugu dambeeyey 3 Guul, 2 barbaro iyo 1 Guuldarro.

>- Goolkii barbaraha ee Diego Llorente uu ka dhaliyey Liverpool Isniintii, waxa uu ahaa goolkii 100-aad ee Leeds ay la kulanto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, maxaa yeelay 50 gool waa ay dhaliyeen horyaalka, halka 50 gool oo kale laga dhaliyey.

>- Stuart Dallas ayaa goolal ka dhaliyay kooxaha Manchester City iyo Manchester United xilli ciyaareedkan, ciyaaryahankii ugu dambeeyay Leeds ee gool ka dhaliya saddex kulan oo kala duwan kooxaha ka dhisan magaalada Manchester hal xilli ciyaareed gudihii waxa uu ahaa Peter Lorimer waana fasal ciyaareedkii 1971-72.

Manchester United

>- Manchester United ayaa gaartay shan guul oo xiriir ah horyaalka Premier League markii ugu horeysay tan iyo markii ay guuleysatay lixdii kulan ee ugu horeysay ee uu leyliyo kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer intii u dhaxaysay bishii December 2018 iyo January 2019.

>- Rikoorkooda kooxeed Man Utd ee ah inay 23 kulan oo ay marti ahaayeen guuldarro la’aan yihiin horyaalka Premier League, waxaa kaliya oo ka fiican taariikhda horyaalka kooxda Arsenal oo 27 aan looga soo adkaanin bannaanka kulammada horyaalka intii u dhaxeysay April 2003 iyo September 2004.

>- Kooxda Man United 12 kulan oo xiriir ah oo aan laga adkaanin horyaalka ee ay (unbeaten) yihiin ayaa haatan ah kan ugu dheer horyaalka Premier League, waxaana ku soo xiga Leeds United oo aan laga adkaan shan kulan oo is-xiga.

>- Kani waxa uu noqonaa kulankii 300-aad ee horyaalka uu maamulo isagoo macallin ah Tababare Solskjaer, waxaana uu guuleystay 152 ka mid ah 299 kulan oo illaa iyo haatan layliyey kulammada horyaalka.

>- Paul Pogba kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda waa wayn ee Man United waxa uu safka kulan ka dhacay isla garoonkaan Elland Road kulankaaso ay 3-0 kaga badiyeen Leeds ciyaartaasoo qeyb ka ahayd League Cup-ka, isla markaana dhacday bishii Sebtember ee sanadkii 2011.

>- Mason Greenwood ayaa noqon kara da’yarkii ugu horreeyey ee afar kulan oo is-xiga gool ka dhaliya horyaalka Premiuer League tan iyo Francis Jeffers ee sanadkii 2000.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close