RIKOODH: Maxay ka dhigan tahay goolashii uu xalay ka dhaliyay Lionel Messi kooxda Getafe??

(Barcelona) 23 Abriil 2021. Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa gaaray goolkiisii ​​25-aad xilli ciyaareedkan ee horyaalka La Liga dalka Spain kaddib guushii ay ka gaareen naadiga Getafe.

Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Getafe, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain, xilli Lionel Messi uu kulankan dhaliyay 2 gool.

Goolashan uu dhaliyay Lionel Messi ayaa ka dhigtay inuu noqdo ciyaaryahanka kaliya ee ka dhaliyay 25 gool ama wax ka badan horyaalka mid kasta oo ka mid ah 10-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Waxaa xusid mudan in Lionel Messi uu soo afjaray kulammo xiriir ah uusan wax gool ah kaga dhalinin Getafe garoonka Camp Nou, waana saddex kulan xiriir ah.

Messi ayaa sidoo kale ka sarra maray dhamaan 25-ka ciyaaryahan ee Getafe xilli ciyaareedkan, madaama kooxda ay dhalisay kaliya 23 gool kulammadii ay ka soo ciyaareen horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Jamaahiirta kooxda Barcelona ayaa rajaynaya in waayihiisii wacnaa ee kooxda uu sii wadi doono Messi wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan, iyadoo qandaraaskiisa garoonka Camp Nou uu dhacayo bisha June ee soo socota, maamulka ayaa sii xoojinaya dadaalka ay ugu qancinayaan inuu sii joogo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close