Horudhac: Barcelona vs Getafe… (Xaqiiqooyinka aad uga baahan tahay kulanka horyaalka La Liga ee caawa ka dhacaya Camp Nou)

(Barcelona) 22 Abriil 2021. Kaddib markii ay ku guuleysteen koobkoodii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka, Kooxda Barcelona waxa ay rajeynaysaa inay soo nooleyso riyadeeda ah hanashada horyaalka La Liga, marka ay caawa Getafe ku soo dhaweyso garoonkeeda Camp Nou.

Blaugrana ayaa 4-0 ku xasuuqday Athletic Bilbao final-kii Copa del Rey, halka Getafe ay kulankeedii ugu dambeeyey ku soo guuleysatay inay dhibic ka soo hesho Real Madrid kaddib markii ay la soo galeen barbaro goolal la’aan ah.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain– La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka:  Camp Nou

Garsooraha: Jorge Figueroa (Spain)

Wararka kooxaha:-

Gerard Pique ayaa la filayaa inuu markale ku soo bilowdo daafaca dhexe ee kooxda Barcelona kaddib markii uu dhawaan dhaawac ka soo laabtay.

Sergino Dest ayaa kulankan laga doorbidi karaa Sergi Roberto oo garabka midig daafaca ka ciyaari kara.

Antoine Griezmann ayaa la filayaa inuu weerarka kula weheliyo Lionel Messi kulankan oo ay kaliya noqdaan labo weeraryahan, iyadoo Ousmane Dembele laga yaabo inuu seego ciyaarta caawa.

Allan Nyom ayaa ganaax kaga maqnaanaya kulankan naadiga Getafe, sidaas darteed Carles Alena ayaa la filayaa inuu xaq u yeesho inuu ka ciyaaro garabka midig ee khadka dhexe ciyaarya ay wajahayaan kooxda milkiyaddiisa iska leh.

Sofian Chakla ayaa taam u ah kulankan, laakiin David Timor in laga door-bido oo uu daafaca dhexe ku wehliyo Djene.

Enes Unal ayaa Jaime Mata kula midoobi doona weerarka kooxda martida ah, haddii macallinka Getafe uu ciyaaro qaabka 4-4-2.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Barcelona ayaa guuldarro 1-0 kala kulantay Getafe kulankii lugta hore ee horyaalka xilli ciyaareedkan, waligooda guuldarro kala kulamin Getafe labada kulan ee horyaalka si xiriir ah hal xilli ciyaareed.

>- Getafe ayaa bannaanka kula soo ciyaartay horyaalka La Liga kooxda Barcelona, waxaana ay guul ka soo gaari waayeen 15 kulan, waana in ka badan koox kasta oo kale oo ay bannaanka kula ciyaareen.

>- Barcelona ayaan laga badinin 12-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay ku ciyaaraan Camp Nou, tan iyo guuldaradii 1-3 ee ka soo gaartay Real Madrid bishii Oktoobar ee sanadkii 2020.

>- Barcelona ayaan laga badinin 12-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay ku ciyaaraan Camp Nou, tan iyo guuldaradii 1-3 ee ka soo gaartay Real Madrid bishii Oktoobar 2020.

>- Getafe ayaa ku guuldarreysatay inay badiso lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti ahaayeen, iyagoo aan wax gool ah dhalin afar ka mid ah kulammadaas, waxay ku guuldarreysteen inay shabaqa soo taabtaan sagaal kulan oo horyaalka ah oo ay marti ahaayeen xilli ciyaareedkan, waana heerkoodii ugu sarreysay hal xilli ciyaareed horyaalka tan iyo fasal ciyaareedkii 2015-16, markaasoo ay u laabteen heerka labaad.

>- Barcelona ayaa dhalisay 69 gool kaddib markii ay ciyaartay 31-keedii kulan ee ugu horreeyey horyaalka xilli ciyaareedkan 2020/21, waana heerkoodii gooldhalineed ee ugu yaraan 13-kii fasal ciyaareed ee la soo dhaafay.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close