Zidane oo si RASMI ah u shaaciyey liiska 20-ka ciyaaryahan ee Real Madrid uu kala qeyb galayo kulanka Cadiz

(Madrid) 21 Abriil 2021. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa shaaciyay liiska 20-ka ciyaartoy ee uu ku shaqayn doono kulanka horyaalka La Liga ay caawa booqan doonaan kooxda Cadiz

Zinedine Zidane liiska uu magacaabay xiddigihiisa Real Madrid kulanka ay caawa booqan doonaan kooxda Cadiz waxaa ka hoggaaminaya dhanka weerarka xiddigaha kala ah Karim Benzema, Vinícius Júnior iyo Marco Asensio.

Laakiin taasi badelkeeda waxaa Liiskan uu ku dhawaaqay tababare Zidane ka maqan xiddigaha kala ah, Sergio Ramos, Eden Hazard, balse macalinka reer France wuxuu dib u helay adeegyada xiddigaha kala ah Raphaël Varane iyo Dani Carvajal oo kulammadii lasoo dhaafay ka maqnaa kooxda.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ay kala qeyb galayso kulanka Cadiz ay caawa ku booqan doonaan garoonka Estadio Ramon de Carranza.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close