Xiddig muhiim ah oo ka tirsan kooxda Real Madrid oo laga helay Korona Fayras… (Miyuu seegi doonaa kulan ay ka horjeedaan Chelsea?)

(Madrid) 21 Abriil 2021. Laacib muhiim ah oo ka tiran kooxda Real Madrid ayaa la soo sheegayaa inuu seegi doono kulanka ay la horjeedaan Chelsea ee Champions League.

Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid, Fede Valverde ayaa laga helay KOFID 19 kaddib tijaabooyinkii la marsiiyey.

Ciyaaryahanka reer Uruguay ayaa xaalad karaantiil ah ku jiray tan iyo Axaddii la soo dhaafay kaddib markii uu xiriir la sameeyey qof qaba Korona Fayras, laakiin haatan isaga ayaa laga helay caabuqa sida la xaqiijiyey.

Zinedine Zidane gives Fede Valverde injury update before second leg

Natiijadaas ayaa ka dhigan inuu Valverde seegi doono kulammada kooxdiisa ku soo aaddan ee horyaalka LaLiga Santander oo ay la kala ciyaari doonaan Cadiz iyo Real Betis.

Sidoo kale 22-sano jirkaan ayaa ka maqnaan doona kooxdiisa Los Blancos kulanka lugta hore ee afar dhammaadka UEFA Champions League oo ay la leeyihiin Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close