Real Madrid oo la wareegtay hoggaanka horyaalka La Liga kaddib markii ay si xasilooni leh guul kaga soo heshay kooxda Cadiz… +SAWIRRO

(Spain) 22 Abriil 2021. Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka La Liga kaddib markii ay si xasilooni leh guul kaga soo heshay kooxda Cadiz oo ay ku booqatay garoonka Estadio Ramon de Carranza 0-3, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Spain.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 30-aad kooxda Real Madrid ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Karim Benzema, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

33 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Alvaro Odriozola oo caawin ka helay saaxiibkiis Karim Benzema ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Real Madrid.

Daqiiqadii 40-aad kooxda Real Madrid ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 0-3 ka dhigay Karim Benzema, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Casemiro.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Cadiz oo ay ku booqatay garoonka Estadio Ramon de Carranza, Los Blancos ayaa hadda hoggaanka u qabatay horyaalka La Liga, iyadoo leh 70 dhibcood waxayna wadaagaan Atletico Madrid oo habeen dambe la balansan naadiga SD Huesca.

SAWIRRO:
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close