RASMI: Kooxda Juventus oo isaga baxday European Super League

(Turin) 21 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa isaga baxday tartanka European Super League.

Bianconeri ayaa xaqiijisay inay si rasmi ah kaga baxday tartanka European Super League kaddib markii ay cadaadis badan kala kulantay taageerayaasha iyo xiriirrada kubadda cagta ee ay hoos tagto.

Juve ayaa noqotay kooxdiisa sagaalaad ee tan iyo xalay si rasmi ah u shaacisay inay isaga baxday qorshaha Super League oo ay ka mid ahayd 12-kii naadi ee aas-aasay.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona, Real Madrid iyo AC Milan ayaa ah kooxaha kaliya ee wali aanan ku dhowaaqin inay ka tanaasuleen tartanka European Super League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close