RASMI: Kooxda Inter Milan oo isaga baxday tartanka European Super League

(Milan) 21 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijisay inay si rasmi ah uga baxeen tartanka European Super League.

Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay Kooxda Inter Milan ayay ku shaacisay in isaga baxeen European Super League.

Inter Milan ayaa bayaan ay soo saartay oo ay uga baxday tartankan waxa uu u dhignaa: “Inter waxa ay xaqiijinaysaa in kooxda aysan xubin ka ahayn mashruuca Super League.

“Had iyo jeer waxaa naga go’an inaan siino taageerayaasha khibrada ugu fiican ee kubadda cagta; ikhtiraaca iyo ka mid noqoshada ayaa qeyb ka ah DNA-deenna”.

Xalay waxaa tartankan isaga baxay lixda kooxood ee ugu waa weyn horyaalka Premier League ee kala ah Manchester United, Liverpool, Manchester City, Chelsea, Arsenal iyo Tottenham, waxaana laga dhur sugayay in kooxaha Talyaaniga iyo Spain ay markooda isaga baxaan tartankan.

Inter Milan ayaana noqonaysa kooxdii ugu horreysay ee Talyaani ah oo isaga baxda horyaalkan cusub ee  European Super League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close