RASMI: Isku aadka tartanka kubadda cagta ee ciyaaraha Olimbikada oo la soo saaray, xilli xulal waa weyn ay isku aadeen

(Zurich) 21 Abriil 2021. 28-ka kooxood ee u soo baxay tartanka kubadda cagta ee ciyaaraha Olimbikada ayaa guruubyo loo qeybiyey, kaddib markii isku aadkooda si rasmi ah maanta loogu sameeyey xarunta FIFA ee Zurich.

Brazil iyo Germany, kuwaasoo isku wajahay final-kii ragga ee Rio sanadkii 2016-kii ayaa markale kulamaya kaddib markii ay guruub la galeen Côte d’Ivoire iyo Saudi Arabia.

Guruubka kale ee isagana indhaha lagu hayn doono waa midka ay ku wada jiraan xulalka  Egypt, Spain, Argentina iyo Australia.

Dhinaca kale isku aadka tartanka kubadda cagta ciyaaraha Olimbikada dhanka dumarka ayaa iyagana la sameeyey, iyadoo Gabadhaha Japan ay la ciyaari doonaan Canada kulankooda furitaanka 21 bisha July ciyaar ka dhici doonta Sapporo Dome.

ISKU AADKA OO DHAMMAYSTIRAN HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Isku aadka Olimbikada kubadda cagta Ragga:-

Group A: Japan, South Africa, Mexico, France.

Group B: New Zealand, Korea Republic, Honduras, Romania.

Group C: Egypt, Spain, Argentina, Australia.

Group D: Brazil, Germany, Côte d’Ivoire, Saudi Arabia.

Official draw for the Men's Olympic Football Tournament, Brazil faces Germany - GhanaSummary

Isku aadka Olimbikada kubadda cagta Dumarka:-

Group E: Japan, Canada, Great Britain, Chile.

Group F: China PR, Brazil, Zambia, Netherlands.

Group G: Sweden, USA, Australia, New Zealand.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close