Maxaa ka soo kordhay xanta David Alaba iyo ku biiristiisa Real Madrid?

(Munich) 21 Abriil 2021. Daafaca kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa lagu soo warramayaa inuu kusii dhowaanayo ku biirista kooxda kubadda cagta ee Real Madrid.

Daafacan ayaa bilaash kaga tagaya naadiga Bayern maadaama uu dhici doono qandaraaskiisa, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan inuu heshiis horudhac ah la gaaray Los Blancos.

Warsidaha Sky Germany ayaa baahiyay in Alaba uu qandaraas shan sano ah la galay kooxda reer Spain.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa harsan heshiiska rasmiga ah ee Real Madrid iyo laacibka reer Austria, kaasoo sanado badan lala xiriirinayay inuu Bernabeu u dhaqaaqi doono.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close