Man City, Tottenham, Real Madrid, AC Milan, Inter Milan, Juventus iyo Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono horyaallada waa weyn ee qaaradda Yurub

(Yurub) 21 Abriil 2021. Kulammo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa caawa la ciyaari doonaa, waxaana kooxo waa weyn oo ciyaarti doono kuwaasoo taageerayaashu ay indhaha ku hayaan.

Horyaalka Premier League ayaa laga ciyaari doonaa illaa iyo labo kulan, waxaana kulammadaasi ay kala yihiin Tottenham Hotspur oo soo dhoweynaysa Southampton iyo Manchester City oo u safreysa Aston Villa.

Dhanka kale kooxda kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Spain ee Real Madrid ayaa caawa booqanaysa Cadiz, waxaana ay doonayaan inay guul gaaraan si ay dhibcaha ula mid noqdaan hoggaamineysa horyaalka La Liga ee Atletico Madrid.

Hoggaamiyeyaasha horyaalka Serie A ee Inter Milan ayaa caawa booqanaya Spezia, AC Milan ayaa caawa fiidkii soo dhoweynaysa Sassuolo, halka Juventus ay la ciyaareyso oo ay marti gelinayso Parma.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono horyaallada ugu waa weyn Yurub & saacadaha ay soo geli doonaan xilliga geeska Afrika:-

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

08:00 Fiidnimo Tottenham Hotspur vs Southampton

10:15 Habeennimo Aston Villa vs Manchester City

SPAIN – LALIGA SANTANDER

08:00 Fiidnimo Levante vs Sevilla

08:00 Fiidnimo Osasuna vs Valencia

09:00 Habeennimo Real Betis vs Athletic Bilbao

10:00 Habeennimo Deportivo Alaves vs Villarreal

10:00 Habeennimo Elche vs Real Valladolid

11:00 Habeennimo Cadiz vs Real Madrid

ITALY – SERIE A

07:30 Fiidnimo AC Milan vs Sassuolo

09:45 Habeennimo Bologna vs Torino

09:45 Habeennimo Crotone vs Sampdoria

09:45 Habeennimo Genoa vs Benevento

09:45 Habeennimo Juventus vs Parma

09:45 Habeennimo Spezia vs Inter

09:45 Habeennimo Udinese vs Cagliari

GERMANY – BUNDESLIGA

Dib ayaa loo dhigay ciyaartaan: Hertha Berlin vs Freiburg

09:30 Habeennimo Borussia Dortmund vs Union Berlin

09:30 Habeennimo Hoffenheim vs Borussia Moenchengladbach

09:30 Habeennimo VfB Stuttgart vs Wolfsburg

09:30 Habeennimo Werder Bremen vs Mainz

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close